4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Guddoomiye Cirro “Waxan maqlayay qaar Kulmiye ah oo leh isbahaysigu waa xaaraan”
 

Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in isbahaygsigu uu guul u yahay mucaaradka isla markaana aanu wax cusub ahayn.

Guddoomiyaha ayaa yidhi “waxa guul u ah labada xisbi in ay samaystaan isbahaysi siyaasadeed, isbahaysiga siyaasideed kuma cusba Somaliland”.

“2005 xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID ayaa isbahaysi samaystay, isbahaysigaa ayaan anuu kasoo baxay oo aan ku noqday guddoomiyaha baarlamaanka”.

Cirro ayaa sheegay in axsaabta mucaaradka ah ay u banaantahay in ay isbahaysi samaystaan.

“Waxan maqlyay qaar Kulmiye ah oo leh isbahaysigu waa xaaraan, ma barigaa (isbahaysigii 2005 ee Kulmiye iyo UCID) ayuu tolow xalaal aha baan is idhi” ayuu yidhi.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa samaystay isbaysi siyaasadeed oo ay doonayaan in ay kula wareegaan aqlabiyada golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]