4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Boqortooyada Sacuudi war cusub kasoo saartay Xajka Sanadkan
 

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Dowladda Sacuudi ayaa maanta shaacisay in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya dadka muwaadiniinta ah ee ku nool gudaha wadanka Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay tiro ahaan in 60,000 kun oo Xujaay ah loo ogolaan doono iney sanadkan gutaan waajibaadka Xajka, taasi oo cadeyneysa ineysan jirin sanadkan Xujaay kale oo ka imaaneysa Caalamka intiisa kale si aay u gutaan waajibaadka Xajka.

Wasaaradda Xajka iyo Cumarada ayaa bayaan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in sababta loogu xadiday 60, kun oo muwaadin oo ah Sacuudiyaan ama dadka heysta Iqaanada dalkaasi iney tahay halista wali uu dunida ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Waxaa sidoo kale bayaanka wasaaradda lagu sheegay in dadka loo ogolaan doono gudashada Xajka sanadkaan aay da'doodu u dhaxeyn doonto 18 jir ilaa 65 sano jir, islamarkaana aay waajib ku tahay iney si buuxda u qaataan talaalka looga hortago cudurka halista badan ee COVID 19.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]