4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Modoobay oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka
 

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan kaas diiradda lagu saaray xaalada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha doorashooyinka dalka ee uu hogaaminayo Raysal wasaare Rooble,  dhameystirka guddiyada doorashooyinka, waxaana uu Raysal wasaarahu sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in waqtiga uusan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dardargalintooda gacan laga geysto.

Kulanka uu Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Raysal wasaare Rooble kuwaas oo ka shaqeyn doono arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Raysal wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Waxaa sidoo kale  kulanka looga hadlay sida leysaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka fatahaadaha deegaanada Hirshabelle oo uu Raysal wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo loola gaaro dadka ku nool tuulooyinka aay daadadka Wabiga Shabeelle ku dhufteen.

Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xiriira amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd Hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka 9 xubnood oo Raysal wasaaruha uu hogaaminayo kuwaas oo isugu jira dhinacyo kala duwan.

Ugu dambeyntii kulanka Raysal wasaare Rooble iyo James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay cudurka Coronavirus iyo sidii loo dardargalin lahaa tallaalka COVID-19,  loona sameyn lahaa wacyi galin ballaaran iyadoo hoosta laga xariiqay in si guud dadka loo gaarsiiyo tallaalka maadaama ay dhici karaan Hirar iyo soo laba kacleynta caabuqa Coranavirus.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]