6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo si buuxda u soo celiya xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya
 

Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya qaababka dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya.

"Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go'antahay dib u soo celinta iyo dardargelinta diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka Kenya," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo soo dhaweysay dib u furitaanka hawada Kenya, ayaa sheegtay in tllaabada ay qaaday Kenya ay tahay bar bilowga wada xaajoodka looga gol leeyahay in si caadi ah laga dhigo xiriirka labada dal.

Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii Kenya ay ka qaaday xayiraadii saarneyd muddo bil ku dhow duulimaadyada aada ama ka baxa Soomaaliya, taas oo loo sababeeyay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda sheegtay in dib u furista hawada ay tahay tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday ganacsiga, isgaarsiinta iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/12/2021 11:55 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

6/12/2021 10:58 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in isbahaygsigu uu guul u yahay mucaaradka isla markaana aanu wax cusub ahayn.

6/12/2021 9:57 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Sacuudi ayaa maanta shaacisay in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya dadka muwaadiniinta ah ee ku nool gudaha wadanka Sacuudiga.

6/12/2021 9:23 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu qorshaynayo in si xanaf la’aan ah ay doorashada mayorada iyo shirgudoonka wakiiladu kusoo dhamaato.

6/12/2021 8:49 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan kaas diiradda lagu saaray xaalada dalka.

6/12/2021 6:37 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Gagaduud ayaa sheegaya in halkaasi nin hubeysnaa uu dil ugu geystay nin oday ahaa oo la sheegay inuu ku sugnaa gurigiisa xiliga la dilay.

6/12/2021 6:24 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta ku dhawaqday in la qaaday xayiraadii lagusoo rogay addeega lacagaha danabaysan ee sintiyada dollarka ee ay bixiyaan shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howlgalla deegaanadeeda.

6/12/2021 5:43 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabo gal ah oo aay ciidamo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab klu qaadeen Kolanyo gaadiid ah oo aay wateen ciidamada Kenya oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan degmada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

6/12/2021 4:46 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Safiirka Soomaaliya u fadhiyada dalka Turkiga Jaamac Ceydiid Maxamed ayaa gaaray magaalada Baku ee Caasimaadda wadanka Azerbaijan.

6/12/2021 2:03 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.