4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa dhacay fiidnimadii Xalay kadib rag hubeysan oo xiran dharka ciidanka Militariga Soomaaliya weerar ku qaadeen goob maqaaxi ah oo aay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taala bartamaha magaalada Dhuusamareeb, iyadoona goobta aay isaga baxsadeen ragii geystay weerarka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhimatay sadex qof oo shacab ah waxaana uu dhaawac kasoo garaay laba qof oo kale, kuwaas oo la geeyay xarun Caafimaad oo ku taala Dhuusamareeb oo lagu dabiibayo.

Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa magacyadooda lagu sheegay Liibaan Cumar iyo Cumar Nuur Colow, waxayna ka mid ahayeen ganacsatada magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan lagu beegsaday dadkan ganacasatada ahaa, waxaana magaalada Dhuusamareeb saaka ilaa xalay howlgalo ka wada ciidamada Booliiska Soomaaliya, kaasoo aay ku doonayaan iney gacanta kuso dhigaan ragii weerarka geystay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]