4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Hargaysa: Boqolaal shacab ah oo ka qayb qaadanaya ollole iska wax u qabso ah


Khamiis , Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Boqolaal kamida dadwaynaha reer Hagaysa, ayaa ka qayb qaadanaya ollole lagu nadiifinayo dooxa wayn ee Hargaysa, oo uu hogaaminayo maayirka cusub ee Hargaysa.

Maayirka Hargaysa iyo golaha deegaanka ee cusub, ayaa hogaaminaya ollole ay ka qayb qaadanayaan boqolaal shacab ah oo lagu nadiifinayo dooxa wayn ee Hargaysa.

Ollolahan oo saaka salaadi subax kadib ka bilaabmay dooxa Hargaysa, ayaa waxa ka qayb qaadanaya qaybaha bulshada ee kala duwan.

Shirkada ganacsiga, qaarkamida dugsiyada waxbarashada, culimada, siyaasiyiin iyo u adeegayaal bulsho ayaa ka qayb qaadanaya ollolaha.

Maayirka cusub ee magaalada Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge, oo ku gudajira ollolaha nadiifinta dooxa, ayaa reer Hargaysa ugu baaqay in aan loo kala hadhin.

"Reer Hargaysow shaqadu hiil bay u baahantahay, nin walowba majarafadaada so qaado, faralaydaada soo qaado, gad badaada soo qaado, kalay oo dooxaaga nadiifso" ayuu yidhi.

Muftiga wayn ee Sheekh Maxammed Sheekh Cumar Dirir, oo kamid ah culimada ka qayb qaadanaysa ollolaha, ayaa ka hadlay halka ay diintu iska taagtay nadaafada.

"In aad maal bixiso waxa lamid ah in aad dariiqa nadiifiso, oo waa saqado, Nabigu wuxuu yidhi wadada oo la xaadho waa saqado" ayuu yidhi.

Qaarkamida ururada haweenka ee axsaabta siyaasada Somaliland, ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya ollolaha.

"Reer Maroodi-jeexow waxan idinka baryayaa in la garab qabto xildhibaanada" sida waxa tidhi Foosiye Kayse, gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga  Waddani.

Maayirka cusub ee magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xiligii doorashada balan qaaday in uu dhisi doono Hargaysa cagaaran, nidaamsan oo nadiifa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online