Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysna qoriga AK-47, kaasoo la sheegay inuu doonayay inuu carqaladeeyo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad.
newsinsideNinkaan ayaa lagu toogtay Isgoysga Ex-koontarool Balcad, waxayna sheegeen saraakiisha amniga inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo uu doonayay inuu weeraro ciidamada ilaalada kahaya dhismaha wadada Balcad iyo Muqdisho xiriirisa.
Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ninka ay toogteen ay ka qaadeen boorso uu watay oo ay sheegeen iney ku tuhunsan yihiin iney ku jiraan waxyaabaha qarxa, waxayna sheegen iney baaris ku hayaan boorsada.
Dhismaha wadad u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad ayaa si caadi ah u socda walow dhowr jeer oo hore weeraro lagu qaaday goobaha ay ka socdaan dhismaha wadadaasi.