4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Afhayeenka Kulmiye oo ka hadlay lacagaha la sheegay in xisbigiisu ku bixinayo xildhibaannada mucaaradka
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa beeniyay eedaha mucaaradku ay u jeedinayaan xisbiga Kulmiye, ee ah in ay cashuurtii shacabka u isticmaalayaan hanashada aqlabiyada xildhibaannada mucaaradka.

Afhayayeenka ayaa eedaha mucaaradka ku til maamay magac-dil ay u gaysanayaan xildhibaannada, isla markaana warbaahinta ugu baaqay in ay baadhis ku sameeyso run-nimada eedaha mucaaradka iyo hadii ay jiraan lacago laaluush ah oo xukuumadu siinayso xildhibaannada mucaaradka.

"Mudane lasoo doortay oo sharaf leh in meel lagaga dhaco maaha, in maaliyad la bixinayo waxa caddayn kara waa maxkamada, warbaahin baad tihiin daba gala, xogogaal u noqda oo umada usoo bandhiga, shacbiga Somaliland idinkaa u dhexeeye usoo bandhiga waxa ay sheegayaan waxa ka jira" ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

Buuni ayaa ku eedeeyay axsaabta mucaaradka in ay doonayaan in shirgudoonka golaha wakiilada ay keenaan cid ka caawin karta in ay muddo dheer sii ahaadaan madaxda xisbiyada ay maanta masuulka ka yihiin.

"Xildhibaannadu waxay xaq u leeyihiin in ay shirgudoon doortaan, iyaguna waxay leeyihiin shirgudoonka aan rabno ee saacidaya guddoomiyeyaashan iyo axsaabtan muddo dhaafka ah, ee hal nin dhawr iyo labaatanka sano uu madaxa kaga duubanyahay keena" ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

Madaxda iyo qaar kamida xilshibaannada  xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa marar badan warbaahinta ka sheegay in xukuumada Somaliland ay cashuurtii umada u isticmaalayso sidii ay u hanan lahayd xildhibannada mucaaradka si Kulmiye ugu guulaysto shirgudoonka golalaha wakiilada.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]