4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gudbiyay qeyb ka mid ah Tartamayaasha Aqalka Sare ee maamulka Koofur Galbeed
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gudbiyay liiska Shan kursi oo ka mid ah kuraasta lagu tartamayo ee Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

Shanta kursi ee uu soo gudbiyay madaxweyne Laftagareen ee noqonaya kuraastii ugu horeysay ee lagu tartami doono ee maamulka Koofur Galbeed ayaa laba ka mid ah Shanta kursi waxaa ku tartami doono haween.

Dhinaca kale guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee JFS.

Doorashada Shantan kursi ee ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa iney qabsoonto maalinta Isniinta ah oo ay taariiqda ku beegan tahay 02-08-2021.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii labaad ee u diyaar garoobaya qabashada doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]