4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo baaq culus kasoo saaray xaaladda bini'aadinimo ee Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha gargaarka dowlad goballeedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa kulan ay wada yeesheen maanta  waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay muujiyayeen walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

War murtiyeedka waxay ku sheegeen in 5.9 milyan oo ay ku sheegeen kala-bar tirada dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaaladdo adag, halisna ugu jiraan in ay waayaan adeegyada badbaadada u ah nolashooda haddii aan la qaadin tallaabooyin lagu badbaadinayo.

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada waxay sheegeen  in abaaraha soo laab laabta, cimlilada xun iyo Covdi9 ay sii xoojiyeen xaaladdaha bina’aadanimada, waxayna dalbadeen lacago lagu taageerayo ka jawaabida arrimaha bin’aadantinimada ee Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online