3/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay shacabka ciidanka Canfartu ku laayeen gobolka Siti
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Xogeeyaha abaabulka ee xisbiga Waddani Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ka dhacday gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ciidamada Canfartu shacab Soomaali ah ku laayeen.

Geel-jire ayaa sheegay in siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland ay ku dhisantahay in aan la fara-galin arrimaha gudaha ee waddamada jaar ka ah taasi oo ka xisbi Waddani ahaana ay siyaasadooda arrimaha dibadu  ku dhisantahay sidaasay tahayna ay aad uga xunyihin Shacabka lagu laayay gobolka Siti.

"Siyaasada arrimaha dibada Somaliland waxa weeyaan in aan la fara-galin waddamada aynu jaarka nahay, iyo dowladaha kale ee caalamkaba wixi arrimaha gudahooda ah, waana siyaasad xisbiga Waddani uu ku taageersanyahay siyaasadiisa arrimaha dibadana ka mid ah, hadana waxa dhacda in waddamada ay ka dhacaan wax yaabo ina dareen galin kara" ayuu yidhi.

"Garba-Ciiise iyo dadkii lagu laayay sida aan sheegay inaga oo aan arrimaha dowladaha fara-galin, hadana waxaanu aad iyo aad uga xunahay dadka aynu dhiiga wadaagno ee Kilalka daga wixii ku dhacaba, dadka dhimashadu soo gaadhay ee 200 gaadhayay waanu ka xunahay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ciidamada dowlad goboleedka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay magaalada Garba-Ciise ee gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku dileen dad badan oo shacab ah, labada dowlad deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa ku muransan lahaanshiyaha gobolka Siti.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online












Click here
7/31/2021 4:57 PM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Guddoomiyihii komishinka Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdillaahi Laba- go'le ay dabley hubaysan goordhawayd ku dileen Laascaanood.

7/31/2021 11:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa beeniyay eedaha mucaaradku ay u jeedinayaan xisbiga Kulmiye, ee ah in ay cashuurtii shacabka u isticmaalayaan hanashada aqlabiyada xildhibaannada mucaaradka.

7/31/2021 10:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gudbiyay liiska Shan kursi oo ka mid ah kuraasta lagu tartamayo ee Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

7/31/2021 9:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha gargaarka dowlad goballeedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa kulan ay wada yeesheen maanta waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay muujiyayeen walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

7/31/2021 8:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Labo kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen koox kubbada cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, ayaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho.

7/31/2021 2:52 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiskii 27 -kii May ee ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada.

7/31/2021 2:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.

7/31/2021 1:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay gilinkii dambe magaalada kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro Ciyaartoy aheyd oo saarna gaari bas ah.

7/31/2021 1:30 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay hanaankii lagu dhisay Hirshabeelle.

7/31/2021 1:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - 2 caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Daami ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana lagu guulaystay in dabka laga bad baadiyo qoyska intii kale.