Hiiraan Online
4/1/2023
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Beesha caalamka oo soo dhoweysay horumarka laga gaaray hirgalinta heshiiska doorashada Soomaaliya
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweyay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiskii 27 -kii May ee ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada.
Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka, ayaa dowlad goboleedyada Soomaaliya loogu baaqay inay doorashada aqalka sare dedejiyaan oo aanay mar kale dib u dhac ku imaan.
“Waxaan ku boorineynaa in hawsha harsan lagu soo gabagabeeyo si dhaqso leh. Ahmiyadaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah: diyaargarow ku saabsan amniga doorashada, caddeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo matalaadda haweenka ee 30 boqolkiiba ee Baarlamaanka, iyo xallinta khilaafka ka taagan guddiga maareynta doorashada ee la sugayo." ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka.
Beesha caalamka waxay guulo la mahdiyo ku tilmaamtay shaqooyinka dib u heshiisiinta ee lagasoo qabtay gobolka Gedo, magacaabida danjirayaasha si kor loogu qaado qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 iyo doorashada Aqalka Sare oo ka bilaabatay maamul goboleedka Jubaland.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Gudoomiyihii gudiga doorashooyinka Gobolka Sool oo la diley
7/31/2021 4:57 PM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Guddoomiyihii komishinka Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdillaahi Laba- go'le ay dabley hubaysan goordhawayd ku dileen Laascaanood.
Afhayeenka Kulmiye oo ka hadlay lacagaha la sheegay in xisbigiisu ku bixinayo xildhibaannada mucaaradka
7/31/2021 11:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa beeniyay eedaha mucaaradku ay u jeedinayaan xisbiga Kulmiye, ee ah in ay cashuurtii shacabka u isticmaalayaan hanashada aqlabiyada xildhibaannada mucaaradka.
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gudbiyay qeyb ka mid ah Tartamayaasha Aqalka Sare ee maamulka Koofur Galbeed
7/31/2021 10:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gudbiyay liiska Shan kursi oo ka mid ah kuraasta lagu tartamayo ee Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.
Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo baaq culus kasoo saaray xaaladda bini'aadinimo ee Soomaaliya
7/31/2021 9:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha gargaarka dowlad goballeedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa kulan ay wada yeesheen maanta waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay muujiyayeen walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.
Qaar kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo oo loo qaaday Muqdisho
7/31/2021 8:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Labo kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen koox kubbada cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, ayaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho.
Xisbiga Waddani oo ka hadlay shacabka ciidanka Canfartu ku laayeen gobolka Siti
7/31/2021 6:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Xogeeyaha abaabulka ee xisbiga Waddani Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ka dhacday gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ciidamada Canfartu shacab Soomaali ah ku laayeen.
Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay xubno katirsan Alshabaab oo isku-dayay in ay gudaha u galaan dalkaas
7/31/2021 2:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.
Taliska Booliiska Jubbaland oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha qaraxii lala beegsaday dhalinyaradii Ciyaartoyda aheyd
7/31/2021 1:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay gilinkii dambe magaalada kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro Ciyaartoy aheyd oo saarna gaari bas ah.
Wasiir Caadle " Beelaha Xawaadle iyo Abgaal weey ku dulman yihiin maamulka Hirshabeelle"
7/31/2021 1:30 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay hanaankii lagu dhisay Hirshabeelle.
Dad ku dhintay dab ka kacay xaafad Hargaysa kamid ah
7/31/2021 1:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - 2 caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Daami ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana lagu guulaystay in dabka laga bad baadiyo qoyska intii kale.
Somali News
‘The Last Nomad’: One woman’s journey from the Somali desert to Santa Rosa
-
Press Democrat
7/31/2021 4:45 PM EST
Shugri Salh yearns to return to the red East African desert of her youth. But her native Somalia is controlled by a strict and conservative Muslim sect and she would not feel safe. So she hikes the meadows and woodlands near her Santa Rosa home. (Kent Porter / The Press Democrat) 2021
Chunkz: ‘I paved the way for myself as a YouTuber’
-
The Guardian
7/31/2021 4:41 PM EST
The social media phenomenon on honouring his Somali heritage, balancing fame and faith, and spending lockdown with his YouTube Beta Squad
South West state to elect new senators on Monday following selection of candidates
-
HOL
7/31/2021 1:53 PM EST
MOGADISHU (HOL) - South west state parliament will vote for a new crop of senators on Monday following the unveiling of candidates for the first five seats by state president Abdiaziz Lafta Gareen.
Federal-style state module revisited as Somalia votes
-
The East African
7/31/2021 1:25 PM EST
As Somalia prepares for parliamentary and presidential elections, federalism remains unresolved.
USAID boss Samantha Power heading to Ethiopia amid escalating conflict
-
HOL
7/31/2021 11:35 AM EST
MOGADISHU (HOL) - USAID chief Samantha Power is heading to Ethiopia and Sudan in the backdrop of an escalating situation in the Tigray region that has seen aid supply routes cut off as hundreds of thousands face starvation.
Somali FM meets AU Peace and Security chief over contested post-Amisom report
-
HOL
7/31/2021 5:54 AM EST
ADDIS ABABA (HOL) - Somali Foreign Affairs Minister Abdirizak Mohamed Friday held talks with AU Peace and Security Commissioner Bankole Adeoye amid a fall out over a recent AU report on Somalia.
Ethiopia foils infiltration attempt by terror group al-Shabab
-
Ahram Online
7/31/2021 1:27 AM EST
An infiltration attempt by the terror group al-Shabab to Ethiopia from neighboring Somalia has been foiled, Ethiopian authorities said on Thursday.
Man charged over attack on black man cheered by onlookers
-
News Book
7/31/2021 1:21 AM EST
A 21-year-old man was remanded in custody after pleading not guilty to attacking a 27-year-old Somali national in Mġarr harbour and throwing him into the sea to the cheers of an onlooking crowd earlier this month.
A German Court Has Recognised Not All EU Countries Are Safe For Refugees
-
Forbes
7/31/2021 12:41 AM EST
A court in the German federal state of North Rhine-Westphalia has ruled in favour of two asylum seekers, one from Somalia and the other Mali, whose asylum applications had been rejected because they came into the EU via Italy.
Bomb blast kills 4 footballers in Somalia
-
Anadolu Agency
7/31/2021 12:34 AM EST
Four football players were killed and several others wounded when a bomb blast targeted a bus carrying a local soccer team in Somalia's port city of Kismayo on Friday, an official said.