4/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay xubno katirsan Alshabaab oo isku-dayay in ay gudaha u galaan dalkaas
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in horraantii toddobaadkan la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hal qof oo la tuhunsan yahay ayaa ku dhintay is -rasaaseyn, halka eedaysanaha kale uu dhaawacmay kaddibna gacanta lagu dhigay, sida lagu sheegay bayaanka.

Bishii Janaayo, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in la xiray tobanaan qof oo looga shakisan yahay xagjirnimada oo lala xiriirinayo Al-Shabab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/31/2021 4:57 PM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Guddoomiyihii komishinka Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdillaahi Laba- go'le ay dabley hubaysan goordhawayd ku dileen Laascaanood.

7/31/2021 11:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa beeniyay eedaha mucaaradku ay u jeedinayaan xisbiga Kulmiye, ee ah in ay cashuurtii shacabka u isticmaalayaan hanashada aqlabiyada xildhibaannada mucaaradka.

7/31/2021 10:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gudbiyay liiska Shan kursi oo ka mid ah kuraasta lagu tartamayo ee Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

7/31/2021 9:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha gargaarka dowlad goballeedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa kulan ay wada yeesheen maanta waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay muujiyayeen walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

7/31/2021 8:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Labo kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen koox kubbada cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, ayaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho.

7/31/2021 6:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Xogeeyaha abaabulka ee xisbiga Waddani Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ka dhacday gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ciidamada Canfartu shacab Soomaali ah ku laayeen.

7/31/2021 2:52 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiskii 27 -kii May ee ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada.

7/31/2021 1:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay gilinkii dambe magaalada kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro Ciyaartoy aheyd oo saarna gaari bas ah.

7/31/2021 1:30 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay hanaankii lagu dhisay Hirshabeelle.

7/31/2021 1:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - 2 caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Daami ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana lagu guulaystay in dabka laga bad baadiyo qoyska intii kale.