4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Taliska Booliiska Jubbaland oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha qaraxii lala beegsaday dhalinyaradii Ciyaartoyda aheyd
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay gilinkii dambe magaalada kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro Ciyaartoy aheyd oo saarna gaari bas ah.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Jubbaland Maxamed Jaamac Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday gaari Bas ah oo ay saarnayeen dhalinyaro u Ciyaarta Kooxda Kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan magaalada Kismaayo.

"Qaraxa waxaa ku geeriyooday saddex kamid ah Cayaartoyda kooxda JCCI iyo darawalkii waday gaariga, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ka tirsan kooxda kubada Cagta ee JCCI" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Jubbaland Maxamed Jaamac Cirro.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in falka qaraxa ay ka dambeyeen Al-shabaab, islamarkaana sheegay iney jawaab deg deg ah ka bixin doonaan qaraxii lala eegtay Ciyaartoyda.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay in shacabka magaalada Kismaayo ciidanka Booliiska kala shaqeyaan baaritaano kala duwan ay wadaan laamaha amaanka Jubbaland iyo waliba sidii looga hortagi lahaa weerarada ay geystaan Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]