3/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Wasiir Caadle " Beelaha Xawaadle iyo Abgaal weey ku dulman yihiin maamulka Hirshabeelle"
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay hanaankii lagu dhisay Hirshabeelle.

Wasiir Caadle ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle dhismahiisii koowaad lagu dhisay or orod ayna ku dulman yihiin Beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Waxuu sheegay in Hirshabeelle caqabadaha ugu waa weyn ay la socon la' dahay ay ka mid tahay beesha Xawaadle oo diidaneyd hanaankii loo maray dhismaha Hirshabeelle markii hore iyo markan dambaba.

"Hirshabeelle Beelaha Xawaadle iyo Abgaal way ku dulman yihiin oo iyaga ayaaba maynorati ka ah maamulka sababto ah 99 Xildhibaan oo Hirshabeelle ay ka kooban tahay labada beel Xildhibaanada ay ku leeyihiin marka la isku geeyo waa 29 Xildhibaan inta kalana waa beelaha kale marka 29 laga jaro tiradaas waxay mujineysa ineysan waxba ka aheyn Hirshabeelle Abgaal iyo Xawaadle" ayuu yiri Wasiir Caadle.

Wasiir Caadle ayaa intaasi ku daray in Xildhibaanada Hirshabeelle sharci ahaan markii hore ay ka koobnayeen 71 Xildhibaan balse qancin dheeraad ah oo loo sameynayay cidii tabasho muujisaba in Xildhibaanada loo kordhiyo ayay  gaartay 99 Xildhibaan oo aysan xamili karin Hirshabeelle.

"Hirshabeelle waxa jira beelo 6 kursi kulahaa bilowgii oo maanta leh 12 kursi iyo kuwa laha 3 kursi oo maanta leh 6 kursi, iyadoo Xawaadle iyo Abgaalna wali kurastodii aysan waxba ku kordhin waana taasina waxay ka mid tahay caqabadaha jiro oo hortaagan Hirshabeelle" ayuu yiri Wasiir Caadle.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa imaanaya xili Hirshabeelle jiritaan keeda ay si weyn uga soo horjeedaan beesha Xawaadle oo muddo sideed bilood ah ka hortaagan inuu Baledweyne tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.


   
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/31/2021 4:57 PM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Guddoomiyihii komishinka Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdillaahi Laba- go'le ay dabley hubaysan goordhawayd ku dileen Laascaanood.

7/31/2021 11:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa beeniyay eedaha mucaaradku ay u jeedinayaan xisbiga Kulmiye, ee ah in ay cashuurtii shacabka u isticmaalayaan hanashada aqlabiyada xildhibaannada mucaaradka.

7/31/2021 10:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gudbiyay liiska Shan kursi oo ka mid ah kuraasta lagu tartamayo ee Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

7/31/2021 9:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha gargaarka dowlad goballeedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa kulan ay wada yeesheen maanta waxay ka soo saareen war-murtiyeed ay muujiyayeen walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

7/31/2021 8:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Labo kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen koox kubbada cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, ayaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho.

7/31/2021 6:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Xogeeyaha abaabulka ee xisbiga Waddani Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ka dhacday gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo ciidamada Canfartu shacab Soomaali ah ku laayeen.

7/31/2021 2:52 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiskii 27 -kii May ee ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada.

7/31/2021 2:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.

7/31/2021 1:54 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay gilinkii dambe magaalada kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro Ciyaartoy aheyd oo saarna gaari bas ah.

7/31/2021 1:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - 2 caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Daami ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana lagu guulaystay in dabka laga bad baadiyo qoyska intii kale.