4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan waxbarashada
 

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay'adda Med-Or Leonardo Foundation Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha dowladda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.

Munaasabadda Heshiiskan Is-afgaradka ah lagu saxiixayey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji.

Dowladda Talyaaniga ayaa haatan ku howlan maalgelinta dhismaha xarun caafimaad oo ka kooban 68 sariirood oo loogu talagalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed [SNA].

Talyaaniga ayaa kamid ah waddamada Soomaaliya ka caawiya mashaariicda horumarka iyo kuwa arrimaha gargaarka, waxayna horey u maalgalisay garoonka diyaaradaha Boosaaso ee Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online