Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka, kaasoo horay u dilay laba wiil oo dhalinyaro aheyd.
newsinsideXukunka dilka ah ee lagu fuliyay askariga ka tirsanaa ciidanka NISA ayaa ka dhacay magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha lagu toogtay askariga qaar ka mid ah ehalada labadii wiil uu horay u dilay askariga.
Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Xuseen, kaasoo bishii lasoo dhaafay ku dilay degmada Baled Xaawo laba dhalinyaro ah oo daawanayay ciyaar kubbada cagta ah oo ka socotay Beled Xaawo, dhawaan ayayna aheyd markii Maxkamada ciidanka qalabka sida ku riday xukunka dilka ee maanta lagu fuliyay.
Dilka toogashada ay maanta fuliysay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe askarta ciidanka dowladda ay si bareer ah dilal kala duwan ugu geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed aanan waxba galabsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]