4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay diiwaan gelinta kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta soo saaray Jadwalka diiwan gelinta afar kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland uga mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta ergada dooraneysa afarta kursi iyo Musharaxiinta u tartameysa kuraastaasi ay bilaabaneyso 13-ka bishaan oo berito ku beegan, iyadoona ku eg 16-ka bishan oo ku beegan maalinta Kamiista ah.

Kuraasta la shaaciyay in diiwaan gelintooda beri laga bilaabo la guda galayo ayaa kala ah HOP 229, HOP 262, HOP 221,HOP 225, shaacinta kuraastaan ayaa imaaneysa xili shalay uu shaaciyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in xal buuxa laga gaaray khilaafkii markale soo kala dhexgalay guddiga sare ee doorashooyinka Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]