Ciiddanka xoogga dalka oo sheegay in ay 5 xubnood oo katirsan Alshabaab ku dileen shabeeladda hoose

 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyeen tuulooyinka Gambaarey iyo Da’waalle ee gobolka Shabeellaha hoose waxa ay sheegeen inay ku dileen 5 ka tirsan Al-shabaab.

newsinsideCiidamada ayaa sidoo kale burburiyay fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeeladda hoose halkaas oo ciidamadu ay sheegeen in ay kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhanka ah ciiddanka dowladda.

Saraakiil katirsan ciiddanka oo la hadlay warbaahinta  ciiddamada qalabka sida ayaa sheegay inuu howlgalkaan qeyb ka yahay howlgallo Alshabaab looga sifaynayo deegaanada  aay gobolka kaga sugan yihiin.

Bilowgii bishan ayay ahayd markii Ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ku burburiyeen goobo Al-shabaab ay kaga Dhumaalaysan Jireen Deegaanka Leego.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online