4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Barlamaanka Puntland Puntland oo billaabay doorashada xildhibaanada aqalka sare
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa guda galay doorashada xildhibaanada aqalka sare kadib markii shalay uu madaxweynaha Puntland, uu soo saaray liiska musharraxiinta 11 ka kursi ee aqalka sare.

Guddiga doorashada waxay bilaabeen in ay diiwaan galiyaan musharraxiinta aqalka sare oo dhammaantood ku sugan magaalada Garowe, waxayna cod bixinta doorashadu billaaban doontaa saacaddaha soo socda.

Madaxweynaha Puntland ayaa liiska aqalka sare kusoo daray xubno kamid ah golihiisa wasiiradda iyo guddoomiye gobol, wuxuuna meesha ka saaray siyaasiyiiin waawayn oo horey kuraasta u fadhiyay, kuwaas oo kala ah, Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Juurile iyo Maxamuud Mashruuc.

Tallaabada uu madaxweyne Deni qaaday waxay ka turjumaysaa in siyaasiyiin badan oo horey ugu fadhiyay kuraasta aqalka hoose in aanay iskusoo sharraxi karin mar kale sababo la xiriira awood qeybsiga beelahooda.

Dadka falanqeeya siyaasada waxay aaminsan yihiin in madaxweyne Deni uu dagaal weyn kula jiro in ay soo baxaan siyaasiyiinta ka agdhow villa Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online