Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Gabadh lagu sheegay in ay 12 jir tahay ayaa ku dhimatay rabshad dhexmartay ciidanka Booliska iyo arday dhigata Dugsiga Sare ee Hoyga Laascaanood oo ay wax ku bartaan ardayda badanaa tuulooyinka aan lahayn dugsiyada Sare ka yimaada.
newsinsideRabshadan ayaa ka dhalatay ka dib markii maamulka iskuulku uu 4 arday damcay in ay ka saaraan iskoolka iyadoo lagu eedeeyey rabshado taas oo iskoolka buuq ka dhalisay.
Ciidanka Booliska oo soo gaadhey goobta ayaa sida ay goobjoogayaal u sheegeen HOL la kulmay dhagax iyo buuq taas oo sababtay in ay rasaasta nool isticmaalaan.

Ilaa hada ma cada waxyeelo soo gaadhey ciidanka iyo ardayda midna, ardaydu iskoolkooda ayay joogaan ciidamaduna waxay dib ugu noqdeen goobohoodii, welina wax war ah oo ka soo baxay lama maqal masuuliyiinta amaanka iyo waxbarashada walow uu magaalada ka maqnaa gudoonkii waxbarashada gobolku.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood