4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Wararkii ugu danbeeyay shirka watashiga doorashooyinka Soomaaliya

 

Sabti, April 03, 2021 (HOL) - Sida lagu daabacay Warbaahinta dowladda madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka wada tashiga DF, madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrisanayo doorashada heer Qaran ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda soo dhaweysay qabsoomida shirkan oo lagu waddo in lagu dhameeyo dhamaanba isfahwaaga ka dhaxjira madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada ka hor shrweynaha Qaran ee wadatashiga Doorashada.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo si toos ah isku soo horfariistaan madaxda DF iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhowrkii toddobaad ee ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Jaamac Dabaraani oo ah Afhayeenka Dowlad Gobolleedka Puntland  ayaa sheegayin Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qeyb galayo kulanka isla markaana kuma xusin inuu shirka furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhaamaday walow uu dowladda ku sheegay inuu wakhtiga ka dhamaaday.

Beesha caalamka ayaa cadaadis weyn ku saareysa dhamaanba dhinacyada Soomaalida in ay heshiis buuxa ka gaaraan doorashada oo siweyn uga dib dhacday waqtigii qorshuhu ahaa in ay dhacdo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]