4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo guulo ka sheegtay Weerarkii deegaanada Awdheegle iyo Bariire
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka  Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo saaka ku dhexmaray ciidanka xooga dalka iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in khasaare xoog leh aay gaarsiyeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo saaka weerar culus kusoo qaaday saldhigyada ciidamada Xooga dalka ee deegaanada Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Jenaraal Biixi ayaa sheegay in ciidanka Xooga dalka aay ka hortageen weerarka Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada ciidan, isla markaana aay ku dileen xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

"Waxaan dagaalkii saaka Al-shabaab kaga dilnay 45 xubnood tiro intaas ka badana waan ku dhaawacnay" ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Majirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee weerarkii saaka ka dhacay deegaanada ka tirsan Sh/hoose, inkastoo lasoo warinayo inuu ka dhashay weerarkaasi khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararkii ugu dambeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaanadii saaka lagu dagalaamay ayaa sheegaya in deegaanadii saaka lagu dagaalamay aay ka socdaan howl galo ciidan uu hoggaaminaayo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]