4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Puntland oo ka hadashay dilka sarkaal katirsanaa laanta dambi baarista oo Gaalkacyo lagu dilay
 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsan laanta dambaarista Puntland ee CID oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo, kadib markii dabley katirsan Alshabab ay dileen.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Mudug, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka sarkaalka dambi baaraha ahaa.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan dhammaan dadkii ka dambeeyay dilalkii Gaalkacyo loogu geysan dadka haldoorka ah.

Kowdii bishii hore ayay ahayd markii Gaalkacyo lagu dilay AUN, Jamaal Faarax Aadan oo ahaa saxafi arrimaha ammaanka Gaalkacyo aad uga hadli jiray islamarkaana cambaarayn jiray ficillada ururka Alshabab.

Alshabaab ayaa dilkiisa si rasmi ah u sheegtay iyagoo ku tilmaaameen inuu ahaa sirdoon katirsan ciidanka Puntland.

16-kii bishii March sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Warsame Yeey), oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray.

Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamad lasoo taago dad  badan oo laamaha amnigu u hayaan dilalkii iyo qaraxyadii lagu laayay masuuliyiin iyo dad shacab oo Puntland kasoo jeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online