3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Yemen oo la gaarsiiyay tallaalka Covid 19

 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) -Dalka Yemen oo siweyn u harreeyeen dagaal iyo colaado saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ayaa la gaarsiiyay tallaalka Covid 19

Tallaalkan la gaarsiyay Yemen ayaa imanaya xili dowladda dalkaasi ay ka digtay in xaalad caafimaad ba'an oo ay wajahayaan dadka dalkaasi ku dhaqan gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeeshay cudurkan safmarka ah ee Covid 19.

Waxaa lagu waramayaa in qeyb ka mid ah halkii milyan ee tallaalka AstraZeneca ee loogu talagalay dalkaasi uu gaaray dekedda koonfureed ee Cadan.

Isbaheysi uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa la dagaalamayay fallaagada Xuutiyiinta Yemen muddo lix sano ah, si ay dib ugu soo celiyaan dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi.

WHO, ayaa sheegtay in tallaaladan ay noqonayaan kuwa wax ka tara dhibaatada ba’an ee arimaha bani’aadannimo ee adduunka haatan ka jirta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   














Click here
4/1/2021 2:21 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsan laanta dambaarista Puntland ee CID oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo, kadib markii dabley katirsan Alshabab ay dileen.

4/1/2021 2:10 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Sanad laha ah ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

4/1/2021 12:36 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

4/1/2021 11:48 AM EST
Khamiis, April, 4, 2021 (HOL) - kalfadhigii 73aad ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan la hakiyo dabaadal daga 18-May, caabuqa Covid-19 awgii, waxa lagu dhawaaqay shirwayne dhaqaale loogu raadinayo ladagaalanka Covid-19.

4/1/2021 8:25 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Kenya ayaa ku amartay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xirayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.

4/1/2021 7:42 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Masuuliyiin katirsan Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay hor istaagtay in diyaarad siday maalgashadayaal ajaanib ah ay ka degto Garacad.

4/1/2021 7:09 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kula kulmay halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Safiirka wadanka Swedan Danjire Staffan Tillander.

4/1/2021 6:19 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa kulan la qaatay taliyaha howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay xoojinta tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

4/1/2021 4:07 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u eedeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

4/1/2021 3:48 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah waxay ka yeesheen xaaladaha cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxayna baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah.