3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ee hay'adda lacagta iyo Bangiga Adduunka


Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Sanad laha ah ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Xaafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF Kristalina_Georgieva.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, dhameystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo saamaynta dhaqaale ee safmarka Covid-19.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dadaalada mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha ay Soomaaliya u fureen albaabada caalamka iyo garab istaagga Hey'adda Maaliyadda Adduunka ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/1/2021 2:21 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsan laanta dambaarista Puntland ee CID oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo, kadib markii dabley katirsan Alshabab ay dileen.

4/1/2021 12:36 PM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

4/1/2021 11:48 AM EST
Khamiis, April, 4, 2021 (HOL) - kalfadhigii 73aad ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan la hakiyo dabaadal daga 18-May, caabuqa Covid-19 awgii, waxa lagu dhawaaqay shirwayne dhaqaale loogu raadinayo ladagaalanka Covid-19.

4/1/2021 8:25 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Kenya ayaa ku amartay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xirayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.

4/1/2021 7:42 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Masuuliyiin katirsan Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay hor istaagtay in diyaarad siday maalgashadayaal ajaanib ah ay ka degto Garacad.

4/1/2021 7:09 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kula kulmay halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Safiirka wadanka Swedan Danjire Staffan Tillander.

4/1/2021 6:19 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa kulan la qaatay taliyaha howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay xoojinta tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

4/1/2021 4:07 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u eedeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

4/1/2021 3:48 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah waxay ka yeesheen xaaladaha cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxayna baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

4/1/2021 1:09 AM EST
Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) -Dalka Yemen oo siweyn u harreeyeen dagaal iyo colaado saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ayaa la gaarsiiyay tallaalka Covid 19