4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Dowladda federalka oo lagu eedeeyay in ay hor istaagtay in diyaarad ka degto deegaan xeebeedka Garacad
 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Masuuliyiin katirsan Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay hor istaagtay in diyaarad siday maalgashadayaal ajaanib ah ay ka degto Garacad.

Wafdigaan ayaa dhowr cishe ah ku xanniban magaalada Garowe, kadib markii diyaaradihii qaadi lahaa ay diideen inay u kicitimaan magaalada Garacad.

Wararku waxay sheegayaan in shirkaddaha diyaaradahu sababo amni awgeed ay uga cudur daarteen in ay u duulaan Garacad, halkaas oo maalmo ka hor lagasoo sheegay in ay dhalinyaro hubaysan ay arbushaad ka sameeyeen garoonka diyaaradaha Garacad.

Maalgashadayaasha oo ay ku jiraan kuwa u dhashay Imaaraatka Carabta ayaa qorsheynayay in ay booqdaan dekeda Garacad laga dhisayo, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in saraakiil ka socda shirkadda DP world ay halkaas ku wajahnaayeen.

Masuuliyiinta Puntland ee eedaynta dusha uga tuuray dowladda federalka Soomaaliya waxay sheegeen in duuliyayasha diyaaradaha lagala soo hadlay Muqdisho, loona sheegay in aysan u duuli Karin Garacad.

Balse, Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin arrintaan.

Hiiraan Online News Desk