Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya Ridwaan Xuseen, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.
newsinsideWasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha debada Somaliland Liiban Yuusuf Cismaan, oo uu madaxweynuhu sacado ka hor u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, ayaa soo dhaweeyay waftiga markii ay soo caga dhigteen madaarka Cigaal ee Hargaysa.
Ilaa iyo hada wax warbixin ah wasaarada arrimaha dibada iyo xukuumada Somaliland midna kama soo saarin socdaala masuuliyiintan Itoobiyaan ka ah.

Waftiga ayaa kusoo beegmay wakhti isbdal lagu sameeyay masuuliyiinta wasaarada arrimada dibada Somaliland, oo loo magacabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub.