Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Dufcaddii ugu horreysay ee gabdho ka tirsan ciidanka Booliska gaarka
ah ee Haramcad ee lagu soo tababaray Turkiga ayaa ka soo degay gegida dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib tababar boolis oo socday muddo bilo ah.
newsinsideWasiiru dowlaha Amniga XFS, Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiil kale oo dowladda ka tirsan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey ururka 8aad ee Kumaandooska Gor Gor & Gabdhaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga kuwaas oo ku biiri doona cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Harmacad.
“Waxaad hesheen mid ka mid ah tababbarka ugu wanaagsan adduunka oo aan uga mahadcelinayno walaalaheenna Turkiga, waxaana la joogaa waqtigii hadda si sharaf iyo karaamo leh ugu adeegi lahaydeen dalkiina iyo dadkiisa,” ayuu yiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Dhanka kale, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in ka badan 100 katirsan ciidamada Gorgor ay iyaguna tababar ugusoo gabagaboobay Turkiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online