4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Xogeeyaha Kulmiye "Hogaanka xisbiga Waddani waxa ka muuqda shaki aamin sanaantooda qadiyada Somaliland"
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Ibraahin Axmed Raabi, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani in anay si buuxda u aaminsanayn qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

Xogeeyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa ku andacooday in marka la eego hadalada madaxda xisbiga Waddani warbaahinta ka sheegaan ay u egtahay in hogaanka xisbigaas anay ka dhab ahayn aaminsanaantooda qadiyada Somaliland.

"Arrinta qaranimada iyo madaxbannaanida Somaliland Somaliland waxay ugu jirtaa meel adag, xisbiga Kulmiye hadaanu nahay waxay arrintaasi nagaga taala meel adag, hadaba waxa ayaan daro ah in markasta oo ay qadiyada Somaliland noqoto ay hogaanka xisbiga Waddani ka muuqato shaki aamin sanaantooda arrintaa" ayuu yidhi xogeeyuhu.

"Waxa ka muuqata in anay marnaba liqsanayn madaxbannaanida Somaliland, waxa kuu muujinaysa hadalada soo noq noqday ee hogaanku markasta warbaahinta lasoo taaganyahay, qadiyada Somaliland ciyaar ku may iman, cid lagama baryin, dhiig bay ku timiday, tacab ayay ku timid, samir ayay ku timid" ayuu hadalkiisa ku daray xogeeyuhu.

Xogeeye Raabi ayaa si gaara guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdillaahi (Cirro) ugu eedeeyay in aanu aaminsanayn qadiyada madaxbannaanida Somaliland, isagoo xusay in guddoomiye Cirro aanu badana kasoo qayb galin xafladaha maalinta xoriyada Somaliland ee 18 May.

"Waxa ayaan daro ah in guddoomiyaha xisbiga Waddani uu boqolaal jeer warbaahinta isla soo taagay in aanu aaminsanayn munaasibada 18 May, markasta oo la qabanayo xuska 18 May guddoomiyaha xisbiga Waddani kama soo qayb galo" ayuu yidhi xogeeyuhu.

Xisbiga Kulmiye ayaa marar kala duwan sannadihii lasoo dhaafay madaxda xisbiga Waddani ku eedeeyay in anay daacad ka ahyn qadiyada madaxbannaanida Somaliland.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]