3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Puntland oo mar kale dil ku xukuntay siddeed nin oo katirsanaa Alshabaab oo horay loo xukumay
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciiddamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday siddeed nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo horay maxkamadda darajada koowaad ay saddex bil ka hor xukun dil ah ugu riday.

Siddeedaan nin ee lagu xukumay dilka, ayay Puntland  sheegtay in ay ahaayeen shabakad dilalka qarshaysan iyo qaraxyada ka fulin jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda sare waxay sheegtay in ay ku qanacday cadeymaha xeer ilaalinta iyo qiraalka laga hayo xukumanayaasha, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku cad yihiin dambiyada ay galeen dhammaantood.

Puntland ayaa bishii june ee lasoo dhaafay xukun dil ah ku fulisay 18 nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 dilalka iyo qaraxyada ka fulin jiray Gaalkacyo.

Xukumayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

1: Xasan Isaaq Maxamed (Maax)

2: Axmed Cali Hilowle   ( Istakiin)

3: Sidiiq Nuur Faarax Muudeey   (Gaagaale)

4: Maxamed Sharafle Maxamuud Culusow (Amaxey)

5: Maxamed Cabdullaahi Xuseen Cabdi (Jubba)

6: Cabdulqaadir Cabdulle Xasan (Muruq)

7: Liibaan Ciise Wehliye (Madax kariye)

 8: Nuur Xuseen Cabdulqaadir Cismaan (Manuur)

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/5/2021 10:12 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha Beesha Xawaadle ayay kaga digeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in xilka qaadis iyo beegsi gaar ah ay ku sameeyaan sarakiishii Badbaado Hiiraan.

10/5/2021 8:06 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani.

10/5/2021 6:18 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeysay in uu ka been sheegay qadiyada dadka reer koonfurka ah lagaga tarxiilayo Laascaanood.

10/5/2021 5:01 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajoo oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qeybgalay caleema saarka Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo dib loo doortay dhawaan ayaa kulan gaar ah la qaatay raysal wasaare Abiy Axmed.

10/5/2021 4:14 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah haween waynaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqnaa gobolka, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood.

10/5/2021 1:57 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Facebook, Instagram iyo adeegga farriimaha WhatsApp-ka ee sida weyn loo adeegsado ayaa dib hawada ugusoo laabtay xalay saqdii dhexe, ka dib muddo illaa lix saacadood ah oo ay dunida ka maqnaayeen.

10/5/2021 1:26 AM EST
Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa aad u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.