4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Wasiir Beyle: Hadii Soomaaliya January 2022 madaxweyne yeelan weydo waxaa suurtagal ah inay istaagaan mashaariicda hadda socda

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdirahman Ducaale Beyle oo maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa sheegay in hadii aanay Soomaaliya January 2022 ka hor an la soo gabo-gabeynin doorashada madaxtinimo ee dalka ay suurtagal tahay inay istaagaan dhamaan mashaariicda yar ee hadda ka socda dalka. 

Wasiir Beyle ayaa dhanka kale sheegay in miisaaniyadda qaranka loo qoondeeyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan tahay sanadkii hore marka la eego kororka dakhliga gudaha ee dalka. Wuxuu intaas sii raaciyey in odoroska misaaniyadda 2020 aanay ku jirin midda dowlad goboleedyada dalka. 

Wasiir Beyle ayaa kulanka ka sheegay in deyntii laga cafiyey Sooomaaliya awgeed ay suurtagalisay in loo fududeeyo mashaariic dhanka horumarinta ah in loo ogolaado Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay u xayiran inay dalka ka hirgasho doorasho dhameystiran oo hannaan la isla ogolyahay ku dhamaata.

Hadalkan uu maanta wasiir Beyle ka jeediyay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda ayaa ku soo beegmaya xilli uu dib u dhac weyn ku yimid guud ahaan hannaanka bilaabashada doorashoyiinka heer federaal ee dalka, iyadoo wali aanay bilaabanin doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee barlamaanka Soomaaliya.

Hiiraan Online News Desk