
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Golaha degaanka degmada Xuddun oo si buuxda loo ansixiyey ayaa doortay gudoomiye iyo ku xigeen kadib markii ay kulankoodii u horeeyey ku yeesheen magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.
newsinsideGolaha degaanka ee degmada Xuddun oo lagu dhaariyey magaalada Laascaanood ayaa gudoomiye u doortay Maxamed Jamac Xirsi Oogle halka kuxigeena ay u doorteen Cabdinaasir Cabdiqaadir Guure.
Masuuliyiinta xilka loo doortay oo ka soo jeeda xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada oo duhurnimadii maanta kula kulanay Hotel Power ayaa waxa sheegeen in doorasho kalsooni ah ay ku dhacday.
Dhinaca kale waxaa si rasmi ah loo ansixiyey golaha degaanka degmada Laascaanood oo isla goobtaas lagu dhaariyey, waxaana la filayaa in maalinta beri ah la dooran doono gudoomiyaha iyo ku xigeenka iyadoo laga dareemayo ololaha tartanka doorashada oo ilaa haatan inta la ogyahay 3 musharax ay jiraan.