
newsinsideMarwo Elin Bergithe Rognlie,Safiiradda dalka Norway ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney wadaan qabanqaabo la xiriirta sidii aay dib uga furan lahayeen magaalada Muqdisho Xafiis diblumaasiyadeed oo joogta si loo fududeeya howlaha rasmiga ah ee labada dowladood.
Waxay sidoo kale shaacisay in Agaasinka Norway aay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga, islamarkaana aay balan qaadayaan taageero badan oo dhanka horumarinta ah gaar ahaan dhanka arrimaha doorashooyinka dalka.
Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya aay si weyn u soo dhaweyneyso xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada dowladood oo uu sheegay iney muhiimad weyn u leedahay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool dalka Norway.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]