3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad


Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.

Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi" Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka".

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]












Click here
6/16/2021 10:29 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL)- 1 qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 7 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay buur wadada ku teedsani soo duntay xili ay is dhaafayeen gaadhi bas ah oo rakaab siday iyo gaadhi kuwa xamuul ka ah duleedka galbeed ee Hargaysa.

6/16/2021 10:19 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) -Wafdigan ka socda Beesha Caalamka ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa halkaasi kulan kula yeesheen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

6/16/2021 8:39 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Boqolaal Soomaali ah ayaa banaanbax xoogan ka hordhigay Safaarada dowladda Kenya ku leedahay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, kuwaas oo ka cabanaayay duqeymaha xad dhaafka ah ee diyaaradaha Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

6/16/2021 8:03 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay ururka Alshabab ka qabsadeen Saanad hub ah, qalab ay ku diyaarin jireen qaraxyada, jaakadaha qaraxyada iyo miinooyin diyaarsanaa.

6/16/2021 5:55 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Cabdihakim Saciid, oo ahaa agaasimihii hay’adda sirdoonka Puntland (PISA) ee gobolka Bari ayaa ku geeriyooday magaalada Bosaso, sida HOL, ay u xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan Puntland.

6/16/2021 5:49 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, ayaa shaqadii ka ceyriyay tababarihii xulka kubada Soomaaliya. Abdellatif Salef, oo ah muwaadin ka soo jeeda Morocco, wax ka yar seddex isbuuc markii loo magacaabay xilka tababaranimo ee Ocean Stars.

6/16/2021 5:36 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Kadib kulan dhexmaray saraakiisha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad oo looga hadlayay amniga iyo la dagaalanka Ururka Al-shabaab oo ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa lagu shaaciyay guluf ka dhan ah Al-shabaab.

6/16/2021 3:02 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii lasoo dhaafay lagu boobay goobo ganacsi oo ku yaala deegaanka lagu magacaabo Soweto oo 24, KM u jirta magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

6/16/2021 2:18 AM EST
Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhalinyaradii ku dhaawacantay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarada ciidanka Jenaral Dhagabadan.