
newsinsideGeeridiisa oo ay kasoo wareegtay dhowr maalmood ayaa lala xiriiriyayaa inuu xanuunsanaa, halka warar qaar ay sheegyaaan inuu u geeriyooday cudurka safmarka ee Covid19 oo asiibay.
Wuxuu ahaa sarkaal qibrad wanaagsan u lahaa arrimaha sirdoonka, wuxuuna muddo dheer kamid ahaa saraakiisha hay’addaha sirdoonka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Puntland (PISA) wali kama hadlin geerida sarkaalkan.
Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online