4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin dilay wiil 5 jir ah oo uu adeer u yahay
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay eedeesane loo haysto inuu dilay wiil yar oo shan jir ah oo ay hooyadiis u dhaxday, sida uu sheegay afhayeenka booliiska, G/lle Sidiiq Aadan.

Afhayeenka booliiska oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay, ayaa sheegay, in wiilka yar ee la dilay uu jirkiisa ka muuqday jirdil xooggan kadib markii baaritaan lagu sameeyay, waxaana uu sheegay in lagu guulaysay in lasoo qabto ninkii falkaas ka dambeeyay.

Cabdikaafi Cabdi Jaamac, 25 jir ah, oo ah eedeeysanaha kiiskaan ayaa booliiska u sheegay in uu falkaan u sameeyay kadib markii uu  dhibsaday ama uu ka carooday fara ka cayaar wiilka uu adeerka u yahay ku sameeyay, kadibna uu garaacis iyo jirdil ku sameeyay.

Garaacista kadib, wuxuu sheegay in uu wiilka yarka ah naqaska ku dhegay kadibna uu halkaas ku geeriyooday, xilli ay hooyadiis suuqa ku maqnayd oo ay masuuliyaddiisa ku ogayd adeerkiis.

Gaashaanle Sidiiq Aadan, waxa uu sheegay in maalmaha soo socda maxkamad loo gudbin doono eedeeysanaha.

Hooyada dhashay wiilka yarka oo maalmo kahor kasoo muuqatay warbaahinta ayaa dalbatay in caddaalad ay hesho. Si lamid ah Aabaha dhalay, ayaa sidoo kale dalbaday caddaalad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online