Golaha midowga musharraxiinta oo bayaan kasoo saaray xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqan Eritrea

 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiiinta ayaa bayaan ka soo saaray dhalinyarada Somaaliyeed ee da’yarta ah oo tababarka u jiray dalka Eritrea iyo dacwooyinka la xiriira ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye ee dalka Ethiopia.

newsinsideGolaha musharraxiinta waxay sheegeen in raysal wasaare Rooble uu magacaabay guddi magac-uyaal ah, oo ay ku jiraan dadkii ka masuulka ahaa ciidamada, kuwaas oo ay sheegeen in aysan waxba ka oranin caddeymaha isisoo taraya ee dhalinyarada.

Golaha musharraxiinta waxay masuuliyadda oo idil dusha uga tuureen madaxweyne Farmaajo, waxayna ugu baaqeen inuu iscasilo oo uusan markale iskusoo sharrixin xilka madaxweynaha.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online