4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Dowladda Kenya oo sheegtay in ay bilowday baaritaanka diyaarad ku dhacday Ceelwaaq
 

Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Maamulka Duulista Hawada ee Kenya ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaano la xiriira diyaarad ku dhacday xero militari oo ku taal magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Iyadoo ay saarnaayeen 45 rakaab ah.

Agaasimaha guud ee hay'adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe, ayaa sheegay diyaaradu in ay u dhoweyd xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Elwak.

Wuxuu xaqiijiyay in aanay jirin wax dhaawac ah oo la soo sheegay illaa iyo hadda.

Diyaaradda ayaa ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi, waxayna ku sii jeeday magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya subaxnimadii Arbacada markii ay dhacdadu dhacday.

Aagga Gedo waxaa gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) in kasta oo kooxda al-Shabab, ay mararka qaar weeraro argagixiso ka fuliso gobolka Gedo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online