4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka ka dhex taagan xubnaha gobolada Waqooyi
 

Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arinta gobolada Waqooyi ee Somaliland oo uu ka taagan yahay khilaaf dhaliyay in laba garab ay u kala jabaan xubnaha matalaayay gobolada Waqooyi.

Xubnaha mataalayay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ee u kala jabay labada garab ayaa kala taageersan Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso arinta Somaliland, islamarkaana ay socdaan wadatashiyo.

 “Arimaha Somaliland meel fiican aye ii marayaan wadatashiyo ayaan wadaa waan ku guda jiraa, Madasha wadatashiga qaranka ee dowladd goboledyada iyo dowladda dhexe aniga ayee masuuliyadayda isaartay sida ku cad september 17 February 27 may anigoo la tashanayo gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed wadahadal ayaa inoo socda quluubtiina kheyr u sheega” ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Hadalkan kasoo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuuseen Rooble ayaa imaanaya iyadoo khilaaf uu ka taagan yahay arinta gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan cidii hogaanka u qaban laheyd xubnaha gobolada Waqooyi  oo ay ku loolamayaan gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi  Cabdulaahi iyo Raysal wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]