Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay maxaabiista danbiyada fudud galay

 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne cafis ugu fidiyay 279 maxbuus oo ah maxabiista danbiyada fudud galay farxada munaasibada Ciidal Odxada awgeed.

newsinsideWareegtada uu madaxweynuhu cafiska ku fidiyay ayaa lagu yidhi "cafiskani wax saamayn ah kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raaadka ciqaabeed ee ka dhalanaya danbiyada ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee xeerka ciqaabta guud".

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha oo dhamaystiran:-


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]