4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Dowlada Soomaaliya oo digniin culus kasoo saartay Xoolaha la qalo maalinta Ciida Carafo
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Iyadoo maalinta berito ah ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciida Carafo ayaa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ay soo saartay amaro ku saabsan Xoolaha lagu qalo xaafadaha inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Ciida Carafo.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa lagu faray dhamaan hay'addaha Samafalka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala gudaha dalka gaar ahaana kuwa la shaqeeya barnaamijyada fulinta udxiyada sanadka 1442 / 2021 iney u hoggaansamaan amarka wasaarada ee ah inaan Xoolaha lagu qali karin xaafadaha.

Wasaarada ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay cidii u hoggansami weydo awaamiirta ay soo saartay in laga qaadi doono talaado adag oo sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale waxaa digniin taa la mid ah soo saaray maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inaan Xoolaha udxiyada lagu qali karin xaafadaha magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cidii lagu arko ayadoo Xoolo ku qaleyso meelaha loo asteeyay meelan aheyn shaqsi ama hay'ad intaba in sharciga la marsiin doono.



    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]