4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Wariyayaal lagu xiray degmada DhuusaMareeb ee xarunta Galmudug

 

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) -Warar ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxoow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble oo labaduba ka howlgal deegaannada Galmudug.

Wariyayaasha xabsiga la dhiggay ayaa ka hor inta aan saldhig booliiska looga yeerin waxaa la sheegay in ay iska soo duubeen muuqaal ay dadka ku wargalinayaan in ay soo gaarayaan hanjabaado isugu jira dil iyo xarig uga imanaya madaxtooyada Galmudug.

Hasse ahaatee muuqaalkaa kaddib ayaa la sheegay in labada wariye laamaha nabad-galyadu amreen la xiro.

Sidoo kale xarigooda ayaa imanaya xili madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu sheegay in ay jiraan rag wariyayaal ah oo buun buuniya weerarrada Al-shabaab tallaabo sharci ahna laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]