4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Gudoomiyaha gobolka Mandheera Cali Roba: In ka badan 50% Waddooyinka Kenya waxaa gacanta ku haya Al-shabaab
 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - labo sano ayaa kasoo wareegtay weerarkii Al-Shabaab ay weerartay hoteelka Dusit D2 ee bartamaha magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dileen 22 qof.

Sanad guuradan ayaa imaaneysa iyadoo magaalada Mandheera Kenya, oo kutaala xadka Soomaaliya ay kusii kordhayaan weerarada kaga imaanaya Al-shabaab iyadoo laga cabsi qabo inay la wareegaan gacan ku haynteeda.

Gudoomiyaha gobolka Madheera, Cali Roba, ayaa sheegay jimcihii inuusan ka sii aamusi karin dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ee ka socda deegaankiisa.

Maalintii Isniinta ayay ahayd markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerareen bas ku sugnaa magaalada Mandheera isla markaana ay afduubeen seddex qof sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee dowladda Kenya.

Cali Roba waxa uu ku andacoonayaa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay marin ka dhigtaan kala bar wadooyinka gobolada, eedeymahaas oo ay beeniyeen saraakiisha amaanka ee Kenya.

"Aniga oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mandheera, waxaan si cad oo awood leh u sheegayaa in in ka badan 50 boqolkiiba wadooyinka gobolada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab," ayuu yiri guddoomiyaha Mandheera.

Al-Shabaab ayaa weeraro ka geysanayey dalka Kenya muddo toban sano ah, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya si ay u caawiyaan howlgalka Midowga Afrika ee loo idmaday in ay difaacaan dowladda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]