4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Ilhan Cumar oo ku eedeysay Trump in uu ka danbeeyay weerarkii xarunta Capitol Hill

 

Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa si kulul ugu eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu ka danbeeyay weerarkii lagu soo qaaday xarunta Capitol Hill 

Waxey sheegtay in markiii horeba danbiyo badan loo heystay Trump laakiin arimahaa  oo dhan waxaa ay isugu imanayaan sida ay sheegtay in ugu danbeyntiii uu dowladda weerar ku soo qaaday.

''Wuxuu ku hadlay arin aan madaxweyne laga fileyn, kaddib markii boggiisa Twitter -ka uu ku soo qoray erayo uu ku dhiirigalinayay dadka weerarka soo qaaday isaga oo ku yiri '' Waan idin jecelahay;'' ayeey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa inta badan naqdisa madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ay dhowr jeer oo hore hawada isku mariyeen erayo kulul.

Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Biden ay ka rajeynayo arrimo badan gaar ahaan arrimaha Soomaaliya..

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan cabaareeyay weerarkii lagu qaaday Capitol Hill, isaga oo sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid aan sax aheyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]