4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Itoobiya oo digniin u dirtay dowladda Sudan

 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Sudan ayeey dolwadda  Itoobiya waxaa ay fariin digniin ah u dirtay dhigeeda dalka Sudan oo saacadihii ugu danbeeyay ciidamo soo dhoobtay dhulka ay isku hayaan  Itoobiya.

Xiisada labada dal ayaa salka ku heysa muranka ka taaggan dhulka beeraha Qaniga ku ah ee Al-Fashqa oo midba uu sheeganayo lahaashihiisa, waxaana ay xiisada arintan ku la xiriirta soo jiitameysay muddo ka badan 10 sano.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo  warbaahinta u sheegay in dhinaca Sudan ay doonayaan in ay xaalada uga sii darraan ama sii huriyaan.

Afhayeenka Arrimaha dibada ee dalka  Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay saxaafada subaxnimadii maanta in Sudan ay u muuqato colaad ka hurineysa xadka “Itoobiya dagaal ma bilaabeysaa waxaan leenahay aan ka shaqeyno diblomaasiyadda“Ilaa intee ayeey Itoobiya sii wadi doontaa xalinta qaddiyadda iyadoo adeegsanaysa diblomaasiyad Ma jiraan wax aan xad lahayn. Wax walba waxaa ay leeyihiin xad, ”ayuu u sheegay Afhayeenka mar uu warbaahinta kula hadlayay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Ugu danbeyntii Dina Mufti  ayaa intaa raaciyay in dhankooda rajeynayaan in wax walba lagu dhameeyo hab diblomaasiyadeed, balse rajada taa laga qabo ay tahay mid aad u yar madaama waqtigu uu isa sii gurayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]