4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Madaxweynaha Galmudug oo si kulul uga jawaab celiyay dhaliilo loo jeediyay doorashadii Aqalka sare ee ka dhacday Dhuusamareeb
 

Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlaayay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 15-aad ee maamulka Galmudug ayaa si adag uga hadlay dhaliilo loo jeediyay qaabkii ay u dhacday doorashadii qaar ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee ka dhacday Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa marka hore u hambalyeeyay dhamaan Senataradii Aqalka sare ee ku soo baxay tartankii doorashada Aqalka sare ee Galmudug, islamar ahaanta sheegay in doorashadu aheyd mid dadban oo sidii loo baahna u dhacay.

"Hadii aadan kursi helin adiga ama mid aad la rabtay kursi helin mahan macnaheeda in xumaan dhacday ee aan horay u socono, adeer dalkaan waxaa lagu heshiiyey doorasho dadban markii aan gaarno doorasho qof iyo cod ah allaha nagaarsiiyo" ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili doorashadii Aqalka sare ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaabkii ay u dhacday qeyb ka mid ah doorashadii kuraasta Aqalka sare ee Galmudug.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]