Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska xubnahii ka dhinaa doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.
newsinsideLiiska uu soo saaray madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah sadax xubnood oo ka dhinaa doorashada kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya xubnaha ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.
Dooraashada Musharaxiinta la shaaciyay ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida lagu shaaciyay jadwalka ay soo saareen guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed.
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii labaad ee dhameystira dooraashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maamulkii ugu horeeyay ee dhameystira dooraashada Aqalka sare noqday maamulka Puntland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]