4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Somaliland iyo Zambia oo qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi
 

Talaado, April, 6, 2021 (HOL) - Kulan madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray wasiirka cadaalada ee Zambia Gavin Labinda iyo madaxwaynaha Somaliland, ayaa lagaga wada hadlay xidhiidh ganacsi oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia.

Warsaxafadeed ay madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulan ka waftiga Zambai iyo madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen xidhiidh ganacsi oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia.

Warsaxafadeedka si toosa looguma xusin nooca ganacsi ee ay yeelanayaan labada dhinac ee Somaliland iyo Zambia.

Sidookale intii uu kulanku socday waxa Khadka telefoonka ku wada sheekaystay madaxweynayaasha Somaliland iyo Zambia iyagoo ka wada hadalay iskaashi ay yeelanayan Somaliland iyo Zambia sida warsaxafadeedka lagu sheegay.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo dhamaday isfaham iyo xidhiidh wada shaqayneed oo labada dhinac dardar galintiisa ka wada shaqaynayaan sida warsaxafadeedka lagu sheegay.

 Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]