Isniin, April, 26, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga laga dhagax dhigay maktabad caalami ah, taas oo loogu magac daray Maktabadda Umadda.
newsinsideDhagax dhigga maktabaddan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, Maamulka magaalada Jigjiga iyo marti sharaf kale.
Maktabaddan oo ay iska kaashadeen Shacabka iyo Dawladdu ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 60 Milyan oo Birr, waxaana la filayaa inay wax badan ka tari doonto dhanka aqoonta jiilka soo socda.
Maktabaddan ayaa markuu dhismaheedu dhammaado noqon doonta maktabaddii u horeysay ee degaanka laga hirgaliyo.